Lugnet logotyp
Lugnet logotyp

Sharciyaad

En kvinna och ett barn i strömkanalen

Ogaalo muhiim ah oo loogu talo galay adigaagan soo booqanaaya goobaha dabaasha Lugnet.

Waalidka wuxuu keeni kara ugu yaran saddex caruur ah.


Ogaalo muhiim ah oo loogu talo galay adigaagan soo booqanaaya goobaha dabaasha Lugnet Adigaagan ah waalidka ama qof wayn ama hoggaamiye masuuliyadda amaanka iyo xasiloonida carruurta kula socota adiga ayay had iyo jeer ku saarantahay, taas oo ah arkadda. Gudaheeda hareeraha qasabadaha biyahah - waligaa ha ka tagin carruurta iyada oo aan la ilaalin, raac shuruucda badbaadada Lugnet.


Xataa haddii adiga ilmahaagu kaligii dabaalanaayo, waalid ahaan adigaa ka masuul ah ilaa uu ilmuhu ka gaadhayo 18 jir. Shaqaaluhu ma ahan kuwa ilaaliya carruurta iyo kuwo ilaaliaya dabaasha sidaas darteed si ay u badbaadiyaan nafaha.


Adigu waa in aad tahay 12 jir oo aad awood u leedahay in aad dabaalato si aad keligaa u dabaalato, sababo ammaan dartood. Xirfadaha dabaasha ayaa awood u leh in ay dabbaashaan 200 mitir oo 50 mitir ka mid ah ay tahay dhabarka dambe.


Marka aad bixineeyso lacagta lagu galo barkadda dabaasha, waxa aad isla markaasba aqbashay qawaaniinta iyo tilmaamaha aan annagu ku leenahay Lugnet.


Barkadahayaga waxaa yaal tilmaamo ku saabsan waxa khuseeya. Haddii aadan hubin, la xiriir shaqaalaha dabaasha. Dadka ah kuwa mukhaadaraadku saameeyay, ama Khalkhal gelinta nidaamka ama badbaadada khatar geliya waa laga soo saarayaa goobta dabaasha ee Lugnet. Lacgta aad ku gashayna laysuma soo celiyo.

Sharciyaada

Waalidiinta ama qofka wayn ama hogaamiyayaasha waa in aysan waligood ka tagin carruurta la socota iyada oo aan la ilaalin. Qofka weyni waa in uu ugu badnaan gacan dhererkeed ka fogaadaa ilmahaaga haddii aanay awoodin in ay dabbaalaan.


Dharka dabaasha waa in lagu xidhaa barkadda agteeda. Qof kasta oo jooga barkadaha ayaa waxa ay u baahanyihiin in dharka ay iska beddelaan maadaama ay tahay goob nadaafadeed. Waa suurtogal in aad joogtid tarabuunka adiga oon dharka isbeddelin, laakiin markaa laguguma xisaabin in aad tahay mid soo raacay ama aad tahay waalid carruurta barkadda
dhexdeeda.


Dharka dabaasha ee la adeegsan karo:
- Kaliya dharka ka samaysan walxaha synthetic ayaa lagu ansixiyey goobta barkadda.
- Dharka hoose ee dharka lama ogola in aad ka soo hoos gashato dharka dabaasha.


Qalabka sawirka iyo filimada waa ka mamnuuc qolalka beddelka iyo qolalka barkadda.


Xaruntu waa qiiq-, aalkolo- iyo daroogo la’aan.


Dhammaan carruurta isticmaasha xafaayadda waa qasab in ay xidhaan dharka dabaasha ee ilmaha ama xafaayadda dabaasha oo ay ka hoos gahtaan dharka dabaasha.


Had iyo jeer dhegayso oo raac tilmaamaha shaqaalaha.


Weligaa ha ka waaban in aad la xiriirto shaqaalaha haddii aad u baahan tahay caawimaad sinaba ama aad wuxuun iswaydiineeyso.


Had iyo jeer raac shuruucda badbaadada ee laga helo biyaha lagu taraaraxo
Dhuunta waynee biyaha laga soo taraaraxo waxa ay leedahay da' xaddidan oo ah 7 sano.


Looma ogola in lagu socdo, istaago ama lagu dhex ordo dhuunta biyaha lagu taraaraxo.


Waligaa ha ku kala tuurin ama ku riixin qof kale barkadda Qof kasta oo raba in uu booqdo goobta dabaasha ee Lugnet waa in uu bixiyaa kharashka lagu gelo.


Dhammaan noocyada alaabta dhalada ah waa ka mamnuuc xarunta dhexdeeda, xitaa indhagashiga dhalada ama muraayadaha leh.


Had iyo jeer maydho adiga oon qabin dharka dabaasha ka hor dabaasha
Waxa aad qaylo dhaanta caawimaadda ku dhawaaqdaa kaliya haddii aad ku jirto xaalad degdeg ah.


Lugnet mas'uul kama aha alaabta qaaliga ah, dharka ama waxyaabaha laga tagay.


Waligaa ha ku boodiin salka biyaha.


Nooc kasta oo muraayad ah waa mamnuuc.


Kaliya wac gargaar haddii aad ku jirto xaalad degdeg ah.


Lama oggola in aad cunto adiga kuu gaar ah la soo gesho dabaasha ama kafateeriyada (marka laga reebo waxa khusaysaa cuntada carruurta yaryar ee aan weli ka qayb qaadan karin liiska kafateeriyada).


Xusuusnow in aad daryeesho adiga naftaada iyo dadka kaleba si aysan wax shil ah u dhicin

Sidan uppdaterades

Hjälpte informationen på den här sidan dig?

Saknar du någon information?
Har du synpunkter på den här sidan så tar vi tacksamt emot dem. På det sättet kan vi arbeta för att göra innehållet på sidan ännu bättre.

Beskriv vad som felaktigt eller saknades

Ange din e-postadress om du önskar svar på din synpunkt.
Det du skickar till kommunen blir allmän handling. Du kan läsa mer om det på sidan offentlighetsprincipen.